Kulan looga hadlay doorashada oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wuxuu Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, sida uu sheegay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya.

Sida ku xusan bayaanka, dhinacyada ayaa waxay kawada hadleen xiriirka labada dal arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha bani’aadminimada.

Dhanka kale, kooxda Farsamada arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay kooxda QM u qaabilsan taageerada doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa waxaa diirada lagu saarey isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Shalay ayay ahayd markii, Rooble uu xafiisiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire James Swan.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa  la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ay ka wada hadleen hirgelinta doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha, Gurmadka dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha  & xakameynta caabuqa Covid-19," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay jiraan warar sheegaya in diblumaasiyiinta ay shuruud ka dhigayaan bixinta dhaqaalaha doorashada in coddeynta ay si rasmi ah u bilaabato.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM