Kulan maamul u sameynta Hiraan & Sh.Dhexe oo Muqdisho ka furmey

Image

08 August,2015 (GO)- Xarunta Madaxtooyada Muqdisho halka la yiraahdo Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmey kulan looga wada xaajoonayo qorshaha maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen madaxda sare ee dowlada Federaalka, Wasiiro kasoo jeeda goboladaas iyo Xildhibanao ayaa lagaga hadalayaa qaabka shirka loo qabnayo, goobta lagu qabanayo iyo waqtiga la qabanayo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa kulankaan ku sugan iyadoo wararku sheegayaan in lagu magacaabi doono guddiga farsamada maamuli doona maamul u sameynta goboladaas.

Dowlada Federaalka ayaa horey u sameysay maamulka Galmudug kasoo saabey in Puntland aqoonsan waydey islamaarkana xiriirka u jartey xukuumada Muqdisho.

Mud. Xasan Shiikh iyo xubno uu hogaaminayo ayaa xil weyn iska saarey sidii maamul goboleedyo loogu sameyn lahaa inta aan la gaarin 2016 gobolada dhexe, Hiraan iyo Shabeelaha dhexe iyadoo wararku sheegayaan in gobolka Banaadir howshiisa la gali doono kulankaan kadib.

Garowe Online kala soco wararka ugu dambeeya ee kasoo baxa kulankaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM