Kulan maamul u sameynta Hiraan & Sh.Dhexe oo Muqdisho ka furmey

Image

08 August,2015 (GO)- Xarunta Madaxtooyada Muqdisho halka la yiraahdo Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmey kulan looga wada xaajoonayo qorshaha maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen madaxda sare ee dowlada Federaalka, Wasiiro kasoo jeeda goboladaas iyo Xildhibanao ayaa lagaga hadalayaa qaabka shirka loo qabnayo, goobta lagu qabanayo iyo waqtiga la qabanayo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa kulankaan ku sugan iyadoo wararku sheegayaan in lagu magacaabi doono guddiga farsamada maamuli doona maamul u sameynta goboladaas.

Dowlada Federaalka ayaa horey u sameysay maamulka Galmudug kasoo saabey in Puntland aqoonsan waydey islamaarkana xiriirka u jartey xukuumada Muqdisho.

Mud. Xasan Shiikh iyo xubno uu hogaaminayo ayaa xil weyn iska saarey sidii maamul goboleedyo loogu sameyn lahaa inta aan la gaarin 2016 gobolada dhexe, Hiraan iyo Shabeelaha dhexe iyadoo wararku sheegayaan in gobolka Banaadir howshiisa la gali doono kulankaan kadib.

Garowe Online kala soco wararka ugu dambeeya ee kasoo baxa kulankaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM