Kulan uu Golaha Shacabka su'aallo ku waydiin lahaa wasaarad oo baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fadhi ay Xildhibaanada Soomaaliya maanta ku yeelan lahaayeen xaruntooda magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa u baaqday Kooraam la'aan, sida uu gudoonka shaaciyay.

Mudanayaasha kulanka soo xaadirtay si ay waajibaadkooda u gutaan ayaa gaarayay 128 Xildhibaan, xili loo baahnaa 130, sida uu xeerinayo xeer-hoosaadka Aqalka Hoose ee baarlamaarka dalka.

Ajendaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta labaad oo la marsiin lahaa Hindisa Sharciyeedka Ganacsiga oo ay soo diyaarisay wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumada federaalka ah.

Sidda laga soo xigtay xoghaynta, mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada ayuu qorshuhu ahaa in su'aallo la xiriira xeerkaan lagu waydiiyo, gaar ahaan qodobo uu mad-madow uga jiro Sharcidejiyaasha.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa ku tartarsiiyay Xildhibaanada in ay kasoo muuqdaan fadhiga soo aadaan, maadaama Kal-fadhigaan uu muhiim u yahay qaranka.

"Waxaa la joogaa 12-kii duhurnimo, waxaana soo xaadirtay 128 mudaneyaal ... sidaasi awgeed shaqadeena maanta waxay baaqatay kooram la'aan," ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Inta badan mudanayaasha seegay kulankii maanta ayaa isugu jira kuwa dibada ku maqan iyo kuwa kale oo ka qaybgalaya shir Muqdisho uga socda Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran.

Kulankaan maanta baaqday ayaa noqonaya midkii saddexaad oo ka baaqday kal-fadhiga 5aad iyo midkii labaad oo u qabsoomi waaya Kooram la'aan xili mid kale uu u baaqday khilaaf dhexdooda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM