Kulan xalay ka dhacay Madaxtooyada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Xildhibaanada dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo marti kale.

Wuxuu ahaa kulan iska caadi ah oo dhinacyadaas uga hadlayeen hormarka dalka iyo sidii loogu adeegi lahaa shacabka hufnaan iyo cadaalad.

Muhiimadda ugu weyn ee cashadaas loo qabtay ayaa ahayd sidii Madaxweyne Farmaajo uga mahad-celin lahaa Xildhibaanada qaabka wanaagsan ee ay codka Kalsoonida u siiyeen Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu u muujiyay in dalka uu cagta saaray wadadii guusha isagoo xusay inay ka shaqayn doonaan soo celinta sharaftii iyo karaamadii uu lahaa waddankan bur-bursan in kabadan Rubuc Qarni.

“Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga  yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof,” Ayaa yiri mudane Farmaajo.

Xubnihii kale ee Cashadaas tagay ayaa Madaxweynaha ku ammaanay dadaalka uu wado, waxayna ugu baaqeen inuusan ka caajisin danta qaranka.

Ra'isal wasaaraha ayay alle u weydiiyeen inuu xilka ku asturo islamarkaana uu noqdo shakhsi kasoo dhalaala hormarinta Somalia.

Kulankan ayaa yimid xilli shalay la ansixiyay Wasiika koowaad ee xukuumadda Somalia, kadib markii uu hortay golaha shacabka islamarkaana uu jeediyay khudbad dheer oo xusay inuu wax uga qabanayo, musuqa, amniga iyo shaqa la'aanta dhalinyarada Somaliyeed.

Waxaa laga sugayaa inuu soo magacaabo gole Wasiirro ah, si loo guda galo howsha qaran ee hortaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM