Kulankii Farmaajo iyo Abiy oo lagu soo qaaday 2 qodob oo xasaasi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxwaynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga magaaladda Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Kulanka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay labada dal ee deriska ah.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy, labada hogaamiye ayaa isku raacay xoojinta heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen.

Heshiisyadaasi ayaa daarnaa adkeynta nabada gobolka, waxaana qalinka lagu jiiday booqahsooyin ay is-dhaafsadeen.

Inta uu socday kulankan, Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa isla soo qaaday khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya muran dhinaca xuduud badda ah si gaar ah goob la sheegay in ay ku jiraan noocyo kamid ah saliida iyo Gaaska.

"Nidaamka lagu xaqiijinayo [xiriirka] Kenya iyo Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarey wadahadalka," ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa.

Hogaamiyaasha ayaa si lamid ah isla soo qaaday in si wadajir ah ay u horumariyaan dekadaha, taasoo qayb ka ahayd heshiisyadii hore.

War-saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay kawada hadleen in Muqdisho ay xiriir wanaagsan la yeelato maamulka Somaliland.

"Talaabo lagu taageerayo nabada gobolka," ayaa lagu soo xiray qoraalka lagu fahfaahiyay kulanka Abiy iyo Farmaajo, kaasoo kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM