Kulankii Gollaha shacabka oo baaqday iyo Xildhibaanno banaanbax dhigay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa baaqday maanta kulankii Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu buuxsami waayay Kooramkii uu fadhiga ku furmi lahaa.

Gudoonka Gollaha ayaa ku dhawaaqay baaqashada fadhiga 2aad ee kalfadhiga 5aad, iyadoo ajandaha maanta uu ahaa dhageysiga warbixinta Guddiga Dastuurka, kaasi oo Xildhibaanada qaar kahor yimadeen.

Xildhibaanno ay kamid yihiin Daahir Amiin Jeesow iyo Axmed Maclin Fiqi ayaa lagu dhex arkay muuqaallo laga soo qaadey xarunta iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin: "Gollaha Shacabku waa wakiiladii iyo codkii shacabka la xasuuqayo ee ma ahan Golle sacab".

Xildhibaanada mudaharaadka sameeyay ayaa doonayay in ajandaha ugu horeeya ee maanta laga dhigo amniga Muqdisho, oo faraha kasii baxaya kadib markii bishan ay ka dhaceen in ka badan 10 qarax oo shacab badan iyo mas'uuliyiin ay ku dhinteen.

Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa lagu eedeeyay inuusan ahmiyad siineynin danaha qaranka, islamarkaana uu diiday in ajandaha kulamada xaaladda amni ee Muqdisho.

Xukuumadda ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabisay amniga, iyadoo Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku canaantay taliyeyaasha ciidamada inay fulin waayeen balantii ay la galeen oo ahayd in 2 sano Al-Shabaab dalka uga saarayaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM