Kumaandooska DANAB oo howlgal ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Kumaandooska DANAB ay fuliyeen howlgal kale, oo lagu beegsaday Kooxda Al-Shabaab gudaha degaanka DaaruSalaam, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubno iyo Saraakiil ayaa lagu dilay weerar ka dhacay goob ay isku aruursanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu sheegay Jeneraal Ismaaciil Cabdimaalik, oo ah taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku aadan sheegashada DANAB, taasoo kusoo beegmaysa xili Mareykanka uu kordhiyay mudooyinkii dambe duqeymaha Cirka oo ku beegsanayo Kooxda.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan wali Shabeellaha Hoose oo degaanno badan ka maamusho, iyadoo dagaal kula jirta Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo taageero dhinaca hawada ka helaya Militeriga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM