Kumaandooska DFS iyo Kuwa Mareykanka oo weerar ku qaadey Tooratoorow

Image

TOORATOOROW, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qorsheysan oo ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Toora-Toorow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka oo isugu jiray cir iyo dhul ayaa lala beegsaday saldhig Kooxda Al shabaab ku leedahay deegaankasi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray mintidiinta.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha GO ayaa sheegay in diyaarado helecoptars ah ay ku daadiyeen ciidamo duleedka deegaanka Toorotoorow, kadibna dagaal xooggan ay la galeen malleeshiyaadka Al shabaab.

Dagaalka oo wali khasaarihiisa rasmiga ah la ogeyn waxaa ka qeyb-qaatey ciidamado Mareykanka ah, oo ka duulay saldhigga Balli-Doogle, oo ah xaruuntooda ugu weyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Kooxda Al shabaab iyo dowladda Federaalka Somalia wali kama aysan hadlin weerarka.

Weerarkan wuxuu qeyb ka yahay weeraro joogto ah, oo Ciidamada Kumaandooska ku qaadaan Toorotoorow, oo la rumaysan yahy inay ku suagan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Al shabaab, tan iyo markii uu Madaxweyne Trump uu fasaxy duqeymaha Somalia bishii Maarso ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM