Kumaandooska Soomaaliya oo Al-Shabaab ka qabsaday degaano

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda laga soo xigtay wasaarada warfaafinta, xoogaga dowlada ayaa maanta oo Talaado ah qabsaday tuulada Baladul Aamiin ee isla gobolkaasi.

Si lamid ah, ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degaanada Cumar Bare, Sabiib iyo Caanoole.

Warka kasoo baxay xukuumada ayaa nan lagu shaacin hadii ay ciidanka la kulmeen iska caabin uga yimid kooxda xiriirka la leh Urur waynaha Al-Qaacida.

"Dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in ay argagixisada dib kala wareegto degaanada muhiimka ah," ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Al-Shabaab, oo gobolkaasi hoosta maamulka Koonfur Galbeed ku xoogan, illaa iyo haatan kama aysan fal-celin sheegashada dowladda.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa dhowr jeer weerar cirka ah kula beegsaday Al-Shabaab tuulooyinkaasi, halkaasi oo lagu dilay tirro kamid ah maleshiyaadka kooxdaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM