Ku-simaha Ra'isal Wasaaraha oo shacabka u diray hambalyada Ramadaanka

Image

Muqdisho, 18, June, 2015…..Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” ayaa u diraya Hambalyo ku aadan bilashada bisha barakaysan ee Ramadan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda, waxaan hambalyo ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana lee yahay farxad ku sooma idinka iyo qoysaskiina, Soonku waa rugniga afraad ee shanta tiir ee Islaamka, waxaana looga gol leeyahay in qofka muslimka ah uu ogaado dhibaatada ay leedahay gaajada iyo oonka, si ugu gargaaro kuwa aan waxba haysan” ayuu yiri ku simaha RW

“Bishaan waa bishii naxariista, waa bishii danbi dhaafka, waana bishii Ilaahay dadka naarta ka xoraynayey, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan waa in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, isna caawiyaan. Anigoo fursadaan ka fa’iidaysanaya waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa iney caawiyaan walaalhooda ka soo qaxaya dalka Yemen” ayuu yiri ku simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu danbayntii ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Bisha barakaysan ee Ramadan ay muslimiinta tusaale fiican u tahay una taagan tahay adkaynta midnimada Muslimiinta, kor u qaadida qiimaha uu leeyahay Islaamku iyo sare u qaadida kaalamada dhaqaale ee loo fidinayo dadka saboolka ah.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM