Kutlo baarlamaani ah oo looga dhawaaqay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 100 Xildhibaan kana tirsan Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaadey oo Talaadada maanta ah ku shiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay kutlo baarlamaani ah.

Sharci-dejiye Mahad Maxamed Salaad oo saxaafadda u mariyey go'aano kasoo baxay kulankooda ka dhacay Huteel Jazeera ayaa shaaciyey in ay iska dhex-doorteen guddoon tiradooda ay gaareyso tobban mudaneyaal ah.

Mr Salaad oo ku nuux-nuux-saday in muddo xileedka Farmaajo uu dhamaadey ayaa carabka ku adkeeyay in baarlmaanka uu kaliya go'aamin karo jawida cusub ee waddanka uu qaadayo wixii haatan ka dambeeya.

"Waxaan caddeynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin wax muddo kororsi ah," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xildhibaanadda oo intooda badan ah kuwii afartii sano ee lasoo dhaafay kasoo horjeeda dowladda Farmaajo.

Wuxuu ku daray: "Xukuumadda waa xil-sii-gaarsiin awoodna uma lahan in ay meelmariso qaraaro iyo go'aano la xiriira arrimaha doorashooyinka," ayuu Mahad Salaad ku daray hadalkiisa isaga oo akhrinaya go'aanadda ay isla meeldhigeen.

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka digay ciidamo dharcad ah oo uu xusay in maalmihii lasoo dhaafay lagu soo daabulay xarunta Aqalka Hoose, isaga oo xusay in talaabadaas ay cawaaqib ka imaan karto.

Sidda uu sheegay sharci-dejiyaha, ciidamaddan ayaa handaad ku haya wariyeyaasha madaxa-banaan isla markaana u diidaya in ay wareysiyo ka qaadaan Xildhibaanadda ka aragtida duwan dowlada waqtiga ka dhamaadey.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waqtigiisa dastuuriga ah wuxuu ku ekaa 8-da Febraayo, waxaana Midowga Musharaxiintu sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxwayne sharci ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM