La-taliyaha Amniga Qaranka oo xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah galeen Itoobiya
MUQDISHO, Soomaaliya — La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aways Xaaji Yuusuf, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in tiro ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay u gudbeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, xilli ay soo baxayeen warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda ciidamadaas.
Aways Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka mid ahaayeen askar tababar ka badan hal sano ku qaadanayay xerada Xananbuure ee gobolka Galgaduud, iyadoo tababarkooda ay maalgelisay dowladda Sacuudi Carabiya.
Wuxuu sheegay in ciidamada loo fasaxay inay booqdaan qoysaskooda, islamarkaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ka warqabto inay ku sugan yihiin Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
“Haddii ay jiraan arrimo kale, warbaahinta waan idiin soo gudbin doonnaa,” ayuu La-taliyaha Amniga Qaranka u sheegay wariyeyaasha.
Xaqiijinta dowladda ayaa timid kaddib markii warbaahinno kala duwan ay maalmo ka hor sheegeen in tiro ciidamada ka mid ah ay u gudbeen dhinaca Itoobiya, iyadoo warbixinno qaar ay ku andacoodeen in ciidamada la qabtay, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Jigjiga.
Tirada ciidamada arrintan ku lugta leh ayaa si weyn ugu kala duwan warbixinnada la baahiyay, iyadoo warbaahinta qaar ay sheegeen 300 askari, qaar kalena 180, halka ilo kale ay ku warrameen tiro gaareysa 900 askari. Hase yeeshee, tirooyinkan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in ciidamadaasi loo fasaxay inay booqdaan qoysaskooda, iyadoo aysan weli si rasmi ah uga jawaabin wararka sheegaya in qaar ka mid ah askartaasi ay ka goosteen ciidamada.
Arrintan ayaa dhalin karta su'aalo cusub oo ku saabsan sababta iyo qaabka ciidamada Soomaaliya loogu oggolaaday inay u gudbaan dhulka Itoobiya, gaar ahaan maadaama ay jiraan warar sheegaya in qaar badan oo ciidamadaas ka mid ah ay asal ahaan ka soo jeedaan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu sanadihii la soo dhaafay soo maray marxalado kala duwan oo xasaasi ah.
GAROWE ONLINE