Laanta Bangiga Dhexe ee Dekedda Muqdishu oo Lacag lagala baxay

Image

MUQDISHO, Somalia- Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir Mukhtaar Nuur Abuukar, oo Maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdishu, ayaa shaaciyay in Lacag badan laga xaday Laanta Bangiga Dhexe uu kuu leeyahay Dekedda Muqdishu.

Garsoore Mukhtaar ayaa sheegay in lacag dhank $204,000 (Labo Boqol iyo Afar Kun oo Doolar), taasi oo ku jirtay Qasnada Bangiga Dhexe ee Dekedda Muqdishu.

Garsooraha Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa daboolka ka qaadey in Lacagta uu la baxay Agaasimaha laanta Bangiga Dhexe  ee Dekedda Muqdisho Cabdi Maxamed Abuukar.

Mukhtaar ayaa intaa ku daray inay haatan socdaan dadaallo lagu soo xirayo Cabdi Maxamed Abuukar, inkastoo uu sheegay in soo xirista Ninkan ay is-hortaag ku sameeyay ku xigeenka gudoomiyaha Bangiga Dhexe Maryan Macalin, oo hayb ahaan isku dhawyihiin.

Bishii lasoo dhaafay ee August, ayaa Bangiga Dhexe waxaa lagala baxay lacag gaarayso $ 530,000, taasi oo uu xaday Nin Qasnaji ahaa oo lagu magacaabo Muxiyadii Maxamed Xasan (Muxiyadiin Santooni).

Dowladda Federaalka Somalia, ayaa lagu eedeeyay inay wax ka qaban wayday Musuq-maamusuqa ka jira qaar katirsan Hay'adaheeda, oo ugu horeeyo Bangiga Dhexe ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM