Laba arrin oo aadan ka ogeyn muranka dhulka Tiyaatarka

Image
Is-qabqabsiga oo cirka isku sii-shareeray ayaa sababtay in uu soo farageliyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isniinta maanta ah amray hakinta kireynta dhul qeyb ka ah golaha murtida iyo madadaaladda Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Talaabadan ayaa daba socotay ka gedaal markii wasiirkiisa warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu ku wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay, sida uu muujinayo dukumiinti uu arkay warsidaha Garowe Online.

Dubbe oo qoraal soo saarey kadib amarka wasiirka koowaad ee dalka ayaa shaaca ka dhigay in uu ka noqday qandaraaskaas oo lagu waramay in shirkadda ay ku maamuleyso dhulka muddo laba sano ah.

"Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda," ayuu Dubbe yiri.

Dhulka lagu wareejiyay shirkadda oo ku yaala qeybta ee Tiyaatarka ayaa ah goobta loogu talagalay fanka iyo dhaqanka waxayna leedahay xafiisyo iyo hoolal ay kooxaha isku tijaabiyaan kahor bandhiga rasmiga ah.

Kireyn mise iibin?

Tabashada Dubbe qirey ayaa ah qaylo-dhaan ay muujiyeen qaar kamid ah qaar kamid ah abwaannada iyo fannaaniinta kooxda Waaberi ee magaalada Muqdisho oo war-fidiyeenka maxaliga ah kasoo muuqdey.

Iyadda oo Dubbe qoraalkiisa ku sheegay in qandaraasku yahay kireyn iyo dhisida jardiino lagu nasto, Abwaanada waxay daaha ka rogeen in heshiiska yahay iibinta dhulka, halka wasiirku ka tibaaxayo kireyn.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada labada dhinac. Warsidaha GO wuxuu fahansan yahay in shirkada oo lagu magacaabo Xaawo Taako ay maamusho haweenay. Balse ma helin magaceeda dhabta ah.

Abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey [Jiir], agaasime ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa "sharci darro iyo hanti boob abaabulan" wuxuu ku tilmaamay falka wasiir Dubbe.

Bishii Janaayo, 2018-kii, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mamnuucay hibeynta, wareejinta iyo kireynta dhamaan dhulalka danta guud ah.

20-tilaabo iyo "muqadas"?

"Tiyaatarka dhabarkiisa dambe 20 tilaabo waaye. Waxaa iska leh ciyaartoyda dhaqanka oo meeshaas waana meesha ay kasoo galaan kahor inta aysan masraxa imaan," ayuu hadalkiisa ku daray Cabdikarim Jiir.

Mr Jiir oo cod dheer ku sheegay in "goobihii muraayada u ahaa dalka ay halis ku jiraan" ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali karin Tiyaatarka ay la wareegto ganacsato si lamid ah goobo kale oo Fanka muhiim u ahaa.

"Tiyaatarka waa muqadas. Taalada Xaawo Taako mala baa'ibin karaa? Wax la iibin karo ama wax la kireyn karo ma jirto. Walaa wasiir iyo dowladna wax iibin karo ma jiraan. Umadda Soomaaliyeed baa leh," ayuu kusoo xiray.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashada Abwaanada ee ku saabsan in dhulka si toos ah loo bixiyey. Isku-dayo mas'uuliyinta la eedeeyay wax uga waydiin lahaa ma aysan guuleysan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad kala guur ah. Waqtiyadan oo kale waxaa aad caan u ah in ay dhacaan ku takrifal awoodeed. Mas'uuliyiinta waqtigu ka dhacay waxay isku dayaan in ay xasaanada ku kalluumeystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM