Laba himilo buu lahaa wayse burbureen markii Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugaarsiga Al-Shabaab ee ergooyinka soo dooratay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, dadka bishan Ramadan lagu khaarijiyey waxaa ugu dambeeyay Cabdullaahi Maxamed Maaxi.

Marxuumka oo 28-sano jir ahaa ayaa lagu toogtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir kahor inta uusan kasoo bixin Masjid uu kusoo oogay Salaadda Jimcaha, sidda ay Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

Saddex oday dhaqameed kale oo badankooda ahaa kuwa da' ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, fal-dambiyeedyo aysan wali jirin cid loosoo qabtay lana soo bandhigay.

Inkasta oo aysan wali jirin koox sheegatay mas'uuliyadda dilalkaasi balse laamaha amaanka ayaa rumeysan in maleyshiyaadka gacansaarka la leh Ururweynaha Al-Qaacidda in ay ka dambeyso toogashooyinkaasi.

Maaxi, oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waayihiisa caruureed wuxuu kusoo qaatay degmada Afgooye oo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca oo uu waxbarasho u yimid.

Sidda ay xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uu kamid ahaa ergooyinkii mudaneyaasha kusoo doortay magaaladda Baydhabo, caasimad goboleedka Bay, kuwaasi oo qayb kamida ku baxay gacanta xoogaga Al-Shabaab.

Alle ha naxariistee, Cabdullaahi oo gunaanuday Jamaacada heerka labaad [Master-ka] ayaa u guda jiray diyaarinta buuga difaacadasha oo uu ka diyaarinayey Xiriirka Caalamka [International Relationship].

Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose, kana mid ah dadka ay aadka isugu dhowanaayeen Maaxi ayaa u sheegay GO in marxuumka uu Soonka kadib qorsheynayay guur.

"Asaga oo sooman ayey gacan ka xaq-darani dishay [Salaadii] Jimcaha kadib, Ilaahey ha u naxariisto, Janadii firdowsana haka waraabiyo, Aamiin," ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Barre.

Gudoomiye Barre ayaa intaasi raaciyey in Marxuumka uu ku guda jiray dadaalo uu ku doonayey in uu kaga shaqeeyo horumarka degmada Afgooye oo uu ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon.

Muqdisho ayaa amaanka sare loo qaadey bisha Ramadaan hadana ma aysan baajin taasi dilalka qorsheysan, kuwaasi oo laamaha amaanku sheegaan in dad loosoo qabtay balse aysan soo bandhigin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM