Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo lagu daray liiska argagixisadda

Image
Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Ikrima ayaa kamid noqonaya dadka loogu doon-doonista badan aduunka. [Photo: Online]

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah waxay ku dartey laba horjooge oo ka tirsan maleyshiyada Al-Shabaab, sida ku cad bayaan kasoo baxdey Wasaaradda Dibadda.

Cali Maxamed Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ahna afhayeenka al-Shabaab iyo hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda, waa magaca koowaad ee Washington ku dartay dadka ay aadka u doon-dooneyso.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Cali Dheere oo sidoo kale ah tababare sarre ayaa uxuu beddelay Sheekh Mukhtaar Roobow oo ahaa afhayeenkii ugu sarreeya Al-Shabaab bishii May 2009.

Raage ayaa, sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah ee warbaahinta Mareykanka aragtay, wuxuu ku lug lahaa qorshaynta weerar ee lagu bartilmaameedsaday deegaano ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya.

Sarkaalka labaad waa Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, oo sidoo kale loo yaqaan Ikrima, waa "fududeeye iyo qorsheeye" hawlgal. Sidoo kale, wuxuu "kaalin firfircoon ka cayaaraa qorida xubnaha cusub".

Laga bilaabo Nofeembar 2019, Cabdiqaadir ahaa hoggaamiye sare oo xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida wuxuuna soo noqday Madaxa Hawlgallada iyo Saadka.

Cabdiqaadir oo ku dhashay Kenya balse waalidkiisu Soomaali yihiin ayaa sidoo kale horay u hagayey qorshaynta weeraro ay Al-Shabaab ka fulisay qaybo kamid ah Soomaaliya iyo wadamadda deriska la ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo uu ku saxiixanaa war-saxaafadeedka, ayaa caddeeyay in Washington ay ka go'an tahay la dagaalanka argagixisadda iyo xasiloonida dalalka saaxiibka la ah.

Mareykanka ayaa udub-dhaxaad u ah nabadda Soomaaliya iyo baacsiga kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish wuxuuna kaga qeyb-qaataa duqeymo dhanka cirka ah iyo tababrida ciidamadda maxaliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM