Labada Golle ee BF Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo muhiim ah [Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan kamid ah fadhiyadda waxay ku qabsadeen xarumaha ay ku leeyihiin caasimada dalka ee Muqdisho.

– Aqalka hoose –

Fadhiga Gollahaan oo ay soo xaadireen 170 mudane ayaa waxaa shir gudoomiye ka ahaa Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaasi oo furitaanka hadalo kooban jeediyay.

Ajandaha ayaa wuxuu ahaa Hindisa-sharciyeedka mashruuca Liilitirka, sharci ku cusub dalka oo xaq-siinaya madaxda, kaasi oo ay geliyaan akhrinta saddexaad, kahor inta aysan ku meel-marin cod gacan-taag ah.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye ayaa mudanayaasha usharaxay muhiimadda sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta Dowladda, isaga ka dalbaday inay ansixiyaan.

Sida uu natiijadda coddeynta oo ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal, 167 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la meel-mariyo sharciga, halka uu ka hor-yimid hal mudane, waxaana ka aamustay labo kale.

– Aqalka sare –

Ajdanaha fadhiga ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sarre waxa uu ahaa Sharciga dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaanka musuq-maasuqa, oo ay soo diyaarisay wasaarada cadaaladda.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ahaa shir gudoonka Gollaha, kaasi oo Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta faray inay akhriso xeerkani.

Marwo Zamzam Ibraahim Cali oo ka hor akhrisay sanatarada ayaa dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrintii koowaad iyo akhrinta labaad, waxayna qirtay in isbedalo lagu sameeyay.

Gabagabdii, sharci-dejiyaasha ayaa cod uqaaday Sharcigani, waxaana ogolaatay dhamaan Xubnihii kulanka goobjoog ka ahaa, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 31, sida uu ku dhawaaqay Gudoonka Gollaha.

Sharciyaddaan ay ansixiyeen mudanayaasha ayaa loo gayn doonaa Madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] kaasi oo saxiixi doono kahor inta aanan lagu soo saarin faafinta rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM