​Lacago lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Waqtigeedu dhammaaday ayaa Lacag dheeri ah kusoo rogtay dadka ka dhoofayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, xilli ay jirtay lacag hore oo laga cabanayay.

Golaha Wasiirada Xukuumada uu waqtiga ka dhammaaday ayaa soo rogay in dadka u safraya gobollada dalka laga qaado $5 (Shan Doolar), halka kuwa u dhoofayo dibaddana laga qaadayo $10 (Toban Doolar).

Ujeedka loo qaadayo Lacagtan ayaa wasiirradu ku sheegeen inay tahay mid lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay ku dhufatay abaarta dalka kajirta.

Muddo 3 bilood ah oo ay ka billaabanayso Maalinta Berri ah (17-ka February) ayay socon doontaa qaadista Lacagaha dheeriga ah, ee la saaray rakaabka diyaaradaha u kala safraya gudaha dalka iyo Dibada, sida uu noo xaqiijiyay Mas'uul katirsan maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Horey dadka Rakaabka ah waxay uga cabanayeen Lacag la duldhigay oo ah $7 qofka gudaha u safraya iyo $11 qofka dibadda u socdaalaya, taasi oo looga qaado Basas ay leedahay Shirkad lagu magacaabao Sahal, oo ka shaqeeysa inta u dhaxayso KM4 iyo Garoonka.

Waxaa kaloo jira Lacag $10 oo canshuur ahaan ay uga qaado Waaxda Socdaalka dadka ka dhoofayo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, waxaana culeysyadan is-biirsan caqabad ku noqdeen Dadka rakaabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM