​Lacago lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Garoonka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Waqtigeedu dhammaaday ayaa Lacag dheeri ah kusoo rogtay dadka ka dhoofayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, xilli ay jirtay lacag hore oo laga cabanayay.

Golaha Wasiirada Xukuumada uu waqtiga ka dhammaaday ayaa soo rogay in dadka u safraya gobollada dalka laga qaado $5 (Shan Doolar), halka kuwa u dhoofayo dibaddana laga qaadayo $10 (Toban Doolar).

Ujeedka loo qaadayo Lacagtan ayaa wasiirradu ku sheegeen inay tahay mid lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay ku dhufatay abaarta dalka kajirta.

Muddo 3 bilood ah oo ay ka billaabanayso Maalinta Berri ah (17-ka February) ayay socon doontaa qaadista Lacagaha dheeriga ah, ee la saaray rakaabka diyaaradaha u kala safraya gudaha dalka iyo Dibada, sida uu noo xaqiijiyay Mas'uul katirsan maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Horey dadka Rakaabka ah waxay uga cabanayeen Lacag la duldhigay oo ah $7 qofka gudaha u safraya iyo $11 qofka dibadda u socdaalaya, taasi oo looga qaado Basas ay leedahay Shirkad lagu magacaabao Sahal, oo ka shaqeeysa inta u dhaxayso KM4 iyo Garoonka.

Waxaa kaloo jira Lacag $10 oo canshuur ahaan ay uga qaado Waaxda Socdaalka dadka ka dhoofayo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, waxaana culeysyadan is-biirsan caqabad ku noqdeen Dadka rakaabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM