Lacagta ku baxeysa doorashada Soomaaliya oo la shaaciyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay miisaaniyadda doorashooyinka soo aadan xilli uu is-mari-waa ka taagan yahay jadwalka iyo geedi u socodka coddeynta baarlamaanka iyo madaxtooyada.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda oo Jimcadii u waramay telefishinka dowladda, ayaa sheegay in doorashadda ay ku baxeyso 40 milyan Doolar taasoo uu xusay in 90% ay bixinayaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Sidda laga soo xigtay Bayle, xukuumadda ayaa kaliya bixineysa 10% taasoo tusineysa in waddanka uu wali ku tiirsanyahay taageeradda caalamka.
Dhawaqa Bayle ayaa yimid iyadda oo khilaaf ka jiro doorashadda, mucaaradka dalbanayo in la kala diro guddiyadda ay shaacisay dowladda "maadaama ay ku jiraan shaqaale dowladeed, saraakiil sirdoon iyo taagaareyaasha Farmaajo".
Todobaadkii hore, ra'iisul wasaarihii 19aad ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dalal kamid ah deeq-bixiyeyaasha ay lacagtii ay siin-jireen dowladda u joojiyeen sababo la xiriira dooda ka taagan coddeynta.
Hasa ahaatee, Bayle oo gaashaanka u daruuray sheegashadda Khayre ayaa ku tilmaamay "mala awaal aan la aqoon meesha ay ka yimaaden".
Musharaxiin dhan 14 oo uu ku jiro Khayre ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu ku fekerayo in uu afduubto geedi u socodka doorashooyinka "kadib markii uu ku fashilmay in uu qabto doorashooyin qof iyo cod ah".
Bishii Sebtember ee la soo dhaafay, hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay qaab doorasho ka dib markii uu dalku ku guuldareystay in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah sannadka 2020-21.
Waxay doorteen doorashada dadban oo falanqeeyayaasha ay leeyihiin waxaa horeyn kara musuqmaasuq, eedeymo joogto ah, iyo qaraabo kiil, waxaana laga yaabaa in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay talo ku yeeshaan oo ay fursad u helaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka.
Heshiiska wuxuu ahaa talaabo horey loo qaadey balse waxaa yimid caqabado ay ugu horeyso fulinta ka gedaal markii Jubaland iyo Puntland oo isku dhinac ay dowladda isku qabteen qaabka loo dhaqan-gelinayo is-afgaradkaas.
Si loosoo afjaro jahwareerka, maamuladda iyo mucaaradka waxay ku baaqayaan in la magacaabo guddiyo doorasho cusub oo dhexdhexaadka ah, ciidamada dowladda ee la geeyay gobolka Gedo oo lasoo saaro, iyo eryida agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir.
Iyadda oo hogaamiyeyaasha aysan illaa haatan muujin wax tanaasul ah, Al-Shabaab oo u muuqata mid ka faa'iideysaneysa xaalaladaas waxay kordhisay weerarada, astaan muujineysa in awooda iyo halista maleyshiyadda aysan hoos u dhicin.
GAROWE ONLINE