Lafta Gareen oo booqasho ku tagey magaalada uu kasoo jeedo Roobow [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

XUDUR, Soomaaliya - Madaxwaynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey maanta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waxaa safarka ku wehlinayay Madaxweyne Lafta Gareen qaar kamida wasiirada maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaano dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka KG.

"Muhiimada safarkeyga ayaa ah in aan indha indheeyo xaalada deegaanka iyo guud ahaan mida gobolka, waxaana shacabka u ballanqaadayaa in aan booqan doono dhamaan deeegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isla markaana ka shaqeyn doono sidii la iskugu furi lahaa deegaanada loogana xoreyn lahaa argagixisada," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay Madaxweynaha.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa aad u adkeeyay amaanka Xudur kahor inta aysan soo caga dhigan diyaaradda wadey Lafta Gareen iyo wafdigiisa.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in socdaalka uu salka ku hayo dedaallo uu ugu jiro sidii uu ka dhameyn lahaa xiisada ka dhalatay xarigii Mukhtaar Roobow oo ciidamada Itoobiya ay ku xireen intii lagu guda jiray Olalaha doorashada KG, kadibna u gacan geliyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Macluumaadka GO ayaa intaas ku daray inuu Madaxwaynuhu kulamo la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha uu kasoo jeedo Roobow oo hadda ku xiran Xabsiga NISA ee Muqdisho, kuwaasi oo aad uga gadooday talaabada ay dowladdu qaaday.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu Madaxwayne Lafta Gareen uga baxo Baydhabo, tan iyo markii la doortay 19-kii bishaan, iyadoo xafiiskiisa uu diyaarinayo xafladda caleema-saarkiisa ay diyaarinayaan, taasoo la filayo in madaxda Villa Somalia ka qeyb galaan.

Lafta Gareen oo ahaa wasiirkii Biyaha iyo Tamartka ee Xukuumadda Khayre ayaa ahaa musharax kamid ah labo Musharax oo Villa Somalia u dirtay Baydhabo, iyagoo malaayiin dollar, hub iyo ciidan wata, iyadoo musharixii ugu cad-cadaa doorshada KG xabsiga la dhigay.

Doorashadii Lafta Gareen ayaa soo afjartay Mucaaradadii Villa Somalia mudado dheer uga furnayd Koonfur Galbeed, kadib markii ay saaxadda siyaasadda maamulkan ka saartay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM