Lafta Gareen oo kulankii ugu horeeyay la yeeshay Wasiiradda KG [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen], ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyadda magaalada Baydhabo kula kulmay gollaha Wasiiradda Maamulkiisa.

Lafta Gareen ayaa shir guddoomiyay kulanka, oo looga hadlay amniga iyo saameyntii ka dhalatay rabshadihii ka dhacay Baydhabo xilligii loo diyaar garoobayay doorashada bishii lasoo dhaafay.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed ayaa warbixin ka siiyay madaxweyanaha iyo Gollaha wasiirradda xaaladda amniga ee guud ahaan Koonfur Galbeed ka hor iyo kadib doorashadii ka dhacday maamulka.

Kulankan oo intiisa badan ahaa isbarasho maadaama Lafta Gareen uu yahay madaxweyne cusub, oo xafiiska jooga wax ka yar 20 maalmood, islamarkaana aan wali la caleema saarin, inkastoo la dhaariyay.

Lafta Gareen ayaa maalmo kadib doorashadiisa booqasho deg deg ah ku tagey magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool, isagoo halkaasi u tagey arrimo la xiriira xariga Mukhtaar Roobow.

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu xal u heli kala qeybsanaanta iyo xiisaddii ka dhalatay Roobow, oo xarigiisa dhaliyay rabashado dhiig ku daatey oo Baydhabo ka dhacay kuwaasoo ay ku dhinteen 15 ruux.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa shacabka Koonfur Galbeed ka codsaday in ay is bar bar taagaan dowladnimada oo ay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM