Lafta Gareen oo la caleema-saarayo iyo madaxda sare oo ka qeybgalaysa

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxtooyadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday waqtiga ay qabsoomeysa munaasabada caleemasaarka Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen].

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Lafta Gareen ayaa lagu shaaciyay in xafladda caleemasaarka ay qabsoomeyso 16-ka bishaan Janaayo 2019, islamarkaana ay kasoo qaybgali doono marti-sharaf kala duwan.

Madax ka tirsan dowladda Federaalka, Xildhibaanada Federaalka, Senatoro, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo qaybaha Bulshadda rayidka ayaa la rajaynayaa inay kasoo muuqdaan xafladaan.

Guddi heer wasiiro ah oo ka kooban 8 xubnood oo ay ku jiraan wasiirada amniga iyo warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaban-qaabin doono xafladda, iyaga oo casuumaad udiri doona cidda kasoo qaybgaleysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM