Lafta Gareen oo shaaciyay talaabada ugu horeysay uu qaadayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa shaaciyay in talaabada ugu horeysay ee uu qaadayo ay tahay dib-u-heshiisiin loo sameynayo Beelaha degaanada maamulkaan.

Qabaa’ilka ayaa xurguf aad ubalaaran waxay soo kala dhex-gashay intii lagu guda jiray Olalihii doorashada uu 19-kii bishaan kusoo baxay Lafta Gareen iyo waliba xarigii Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur].

Lafta Gareen oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Federaalka ku metala KGS ayaa ka dalbaday labada dhinac inay kala shaqeeyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa Dib-u-heshiisiinta.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu kalsooni aad u wayn ka muujiyay inuu ku guuleysan karo sidii uu dowlad goboleedkaan u gaarsiin lahaa meel ka sareysay halkii uu kaga tegay mas’uulkii xilka kaga horeeyay.

Madaxwaynihii 1aad ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, ayuu ku ammaanay shaqadii uu usoo qabtay dowlad goboleedkaan, isaga oo wacad ku maray inuu howsha halkeeda kasii wadi doono.

“Koonfur Galbeed waxay leedahay hay’addo dhisan, amni, sidaasi darteeda Odayaasha Dhaqanka waxaan ka codsanayaa in sidii ay dhisitaanka KGS door shariif ah uga lahaayeen, ay aniga igula shaqeeyaan,” ayuu yiri.

In ka badan 15 ruux ayaa ku naf-waysay, oo uu ku jiro Sharcidejiye, tiro intaasi ka badan dhaawac ayaa kasoo gaarey Banaanbaxyo rabshado watay oo guusha Lafta Gareen kahor ay martigelisay Baydhabo.

Lafta Gareen ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo ay tahay inuu xal uhelo si uu ugu guuleysato mudada afarta sano ee uu jagada ku fadhiyo, waxaana kamid ah xiisada ka dhalatay xariga Roobow oo maxbuus ku ah Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM