Laftagareen oo fariin u diray dadka reer Koonfur Galbeed ku nool Puntland

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Shacabka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland waa in aysan ehelnimo gabaad ku siinin dagaalameyaasha argagixisada, sidda uu cod dheer ugu baaqay Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo xalay dhigiisa Puntland loogu sameeyay Baydhabo.

Laftagareen oo ku dheeraaday ka sheekeynta xiriirka is-dhexgalka soo jireenka ah ee dadweynaha labada maamul ayaa bulshadiisa ku waaniyey in ay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sugitaanka nabad-gelyadda.

"Maadaama ay dhibaatada sii badan, waxaa laga yaabaa anigoo jooga Garowe nin aan qaraabo nahay aan ogahay in uu Shabaab yahay yaa wuxuu ku xiran yahay Boosaaso adeerkiisaan ahay marka yaa ii sheegayo wiilashaan isla jirnay waxay leeyihiin ninkii hebel ahaa Shabaabka ahaa wiilkiisa baa soo baxay oo inta ku xiran oo isagana Shabaab ah marka waxay rabaa in aan u dacwadoodo, haduu xiran yahay in la dilayba maxaan ka rabnaa, qaraabadiisa maxay yihiin; dadka Shabaabka ah oo idin daba socda oo ehelnimada idin daba socda waxay rabaan in dadk aad ku dhex-nooshihiin, nabada iyo dhaqaalaha aad haysataan in ay dhaafiyaan, qaraabo iyo ehel ma tihiin; walaalkiina iyo dowladda aad ku dhex-nooshihiin ayaa [wehel idin ah], fariintaas ayaan gaarsiineynaa [Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Puntland]," ayuu carabka ku adkeeyay Laftagareen.

Intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray, Laftagareen ayaa ka dhawaajiyey in ay Deni isla meeldhigeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nidaamka federaalka, siyaasadda iyo geedi u socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

"Xiriirkaana haduu Ilaahey yiraahdo bilowna ma noqonaayo, dhamaadna ma noqonaayo, bilow fiican horuu u jiray kii bilowga ahaa baan dhameystireynaa, kii ugu dambeeyayna ma noqonaayaa mid sii socda oo annaga nagala dhaxlo, dadkana aan gaarsiino wanaag, wadashaqeyn, is-dhexgal iyo walaalnimo joogta ah leyskana kaashado wax walba oo bini'aadamka iska kaashado," ayuu xusay.

Deni iyo Laftagareen oo shirkii Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka looga heshiiyey kawada qeybgalay ayaa wada-xaajoodyo ku yeeshay Baydhabo.

Dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ku nool magaalooyinka Puntland ayaa badankooda ku tegay barakacii ka dhashay dagaaladii waddanka dhacay, waxaana ay kaalin wanaagsan kaga jiraan haylka dowladnimada iyagoo hela xuquuqdoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM