Sidee lataliyaha Farmaajo looga soo celiyey madaarka Kismaayo?

Image

KISMAAYO, Jubaland - Lataliyaha madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ee doorashooyinka ayaa wuxuu Khamiista maanta ah laga soo celiyey garoonka diyaaradaha Kismaayo, sida uu ogaadey bogga Garowe Online.

Cali Cabdi Raage ayay ciidamada ammaanka madaarka xarunta ku meelgaarka dowlad goboleedka Jubaland ay ku wargeliyeen "in aan looga baahneyn" gudaha magaala madaxda gobolka Jubada Hoose.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintan. Maamulka garoonka diyaaradaha Kismaayo, hay'adda socdaalka dowlad goboleedka iyo guud ahaan dowladda Jubaland ayaan wali fahfaahin ka bixin talaabadan.

Mid kamid ah rakaabka diyaarada uu la socday Mr Raage kaasoo u waramay warsidaha Garowe Online kana gaabsadey magaciisa ayaa fahfaahin guud wuxuu ka bixiyey qaabka arrintan ay u dhacdey.

"Markii aan kusoo dhowaanay garoonka ayaa nagula wargeliyey in aan ku laabaneyno Muqdisho sababo jira darteeda. Markii aan u kuur-galay arrintan waxaan ogaadey in mas'uuliyiinta Jubaland ay sheegeen in aysan soo degi karin diyaarada haddii uu saaran yahay Cali Cabdi Raage, oo ah lataliyaha doorashooyinka Farmaajo," ayuu yiri rakaabka.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Cali Raage iyo ilaaladiisa waxaa dib loogu soo celiyey Muqdisho. Annaga (rakaabka) waxaan mar kale galnay duulimaad kale oo dhinaca Kismaayo ah".

Warar aan si rasmi ah loo xaqijin ayaa tibaaxaya in diidmada ay salka ku hayso "doorka uu Raage ka cayaarey kala fogaanshiyaha sanadihii ugu dambeeyay ka dhex-taagneyd maamulka Farmaajo iyo dowlada Jubaland".

Balse, sababta macnaha weyn u yeelaysa diidmada Raage ayaa ah in ay kusoo aaday iyadda oo Kismaayo joogo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo qudhiisa horey u diidey in uu kala shaqeeyo doorashada.

Wallow uu horey uga soo shaqeeyay doorashaddii Jubaland ee uu dib loogu doortey Axmed Maxamed Islaam, haddana Raage ayaa saameyntiisa degaanada maamulkaas hoos u dhacdey markii Villa Soomaaliya ay shaqaaleysiisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM