​Liiska Murashaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga KMG ah ee qaban-qaabada doorashada Guddoonka  aqalka sare ayaa maanta gelinkii dambe kusoo bandhigay magaalada Muqdishu Murashaxiinta u taagan xilalka Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen.

Guddiga Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub, ayaa waxa uu soo saarey liiska Murashaxiinta, kuwaas oo ay kasoo wado muuqdeen wajiyo badan, oo ku cusub siyaasadda dalka Sooomaaliya.

Labo Murashax ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Maxa'uud Qoodax, halka Labada ku xigeenna ay u tartamayaan min Todobo Murashax.

Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada Doorashada Aqalka sare, ayaa sheegay in doorashada dhacaysa 22-ka Bishan January, 2017.

Doorashada Aqalka sare ayaa dhacaysa, xilli ay dhawaan Xildhibaanada aqalka hoose Muqdishu ku doorteen Afhayeen iyo ku xigeenadiisa, waxaana la filayaa in labada aqalka ay soo xulaan Madaxweynaha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM