Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la doortey

Image
Guddoomiyihii hore ee Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tartan la'aan dib u hantey kursigiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Lix kamid ah 11-ka xubnood ee gobolada waqooyi ku metalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Talaadadda maanta ah waxaa lagu doortey caasimadda Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa difaacdey kursigiisa kadib markii cod gacan-taag uu ku helay 44 cod waxaa ka aamustey laba xubnood, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Musharaxii la tartamaayey, Saciid Cumar Xuseen, ayaa ka haray tartanka.

Wasiirka dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee wakiilada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi kadib markii uu helay 29 cod isaga oo ka adkaadey Ibraahim Suleymaan, guddoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Soomaaliya, kaasoo ay u coddeysay 12 cod waxaana xumaadey 3 cod.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursigii saddexaad kadib markii uu 21 cod kaga adkaadey musharaxii Alabari oo helay 21 cod. Laba wareeg ayay ku kala badiyeen.

Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiirkii warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta, ayaa ku guuleystay xubinimada Aqalka Sare kadib markii uu 28 cod kaga adkaadey Cabdikariin Xasan oo ay u coddeysay 17 mudane.

Layla Axmed Ismaaciil ayaa waxaa ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Sare ka dib markii uu tanaasulay murashaxii la tartami lahaa ee Maxamed Maxamuud Cabdi.

Layla waxaa hab gacan taag ah ugu codeeyay ergada dooraneysa murashaxiinta, waxa ayna heshay 39 cod, sida uu shaaca ka dhigay guddiga doorashooyinka Somaliland.

Kursiga lixaad waxaa kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdullaahi ka gedaal markii uu helay 38 cod. Seynab Axmed Boqore ayaa looga adkaadey kursiga waxaana ay kaliya heshay 8 cod, sida uu shaaciyey guddiga coddeynta.

Shan kursi oo ka haray wadarta saxda ah ee xubnaha maamulka Somaliland ku metela Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in la doorto Khamiista berri ah. Teendhada Afasiyooni ee ciidamada cirka Soomaaliyeed ayay ka dhaceysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM