Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la doortey

Image
Guddoomiyihii hore ee Senate-ka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tartan la'aan dib u hantey kursigiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Lix kamid ah 11-ka xubnood ee gobolada waqooyi ku metalaya Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Talaadadda maanta ah waxaa lagu doortey caasimadda Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa difaacdey kursigiisa kadib markii cod gacan-taag uu ku helay 44 cod waxaa ka aamustey laba xubnood, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Musharaxii la tartamaayey, Saciid Cumar Xuseen, ayaa ka haray tartanka.

Wasiirka dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee wakiilada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi kadib markii uu helay 29 cod isaga oo ka adkaadey Ibraahim Suleymaan, guddoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Soomaaliya, kaasoo ay u coddeysay 12 cod waxaana xumaadey 3 cod.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursigii saddexaad kadib markii uu 21 cod kaga adkaadey musharaxii Alabari oo helay 21 cod. Laba wareeg ayay ku kala badiyeen.

Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiirkii warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta, ayaa ku guuleystay xubinimada Aqalka Sare kadib markii uu 28 cod kaga adkaadey Cabdikariin Xasan oo ay u coddeysay 17 mudane.

Layla Axmed Ismaaciil ayaa waxaa ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Sare ka dib markii uu tanaasulay murashaxii la tartami lahaa ee Maxamed Maxamuud Cabdi.

Layla waxaa hab gacan taag ah ugu codeeyay ergada dooraneysa murashaxiinta, waxa ayna heshay 39 cod, sida uu shaaca ka dhigay guddiga doorashooyinka Somaliland.

Kursiga lixaad waxaa kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdullaahi ka gedaal markii uu helay 38 cod. Seynab Axmed Boqore ayaa looga adkaadey kursiga waxaana ay kaliya heshay 8 cod, sida uu shaaciyey guddiga coddeynta.

Shan kursi oo ka haray wadarta saxda ah ee xubnaha maamulka Somaliland ku metela Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in la doorto Khamiista berri ah. Teendhada Afasiyooni ee ciidamada cirka Soomaaliyeed ayay ka dhaceysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM