Lix qof oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Fahfaahin dheeraad ayaa kasoo baxaysa Qarax xooggan oo gilgalay Galabta magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Ugu yaraan 6 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Gaari lagusoo xiray walxaha qarxa oo ka dhacay degmada Xamar Jajaba.

Weerarka ayaa goor-gaaban galabta ka dhacay Maqaaxi mashuul badan, oo ku taalla Wadada Sheelare oo ku dhaw Dekedda Muqdishu.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uliyada qaraxa, sida ay ku baahiyeen warbaahinta afkooda ku hadasha, iyadoo soo xiganaya Cabdicsiis Abu Muscab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerar ay ku dileen Saraakiil sare oo Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka katirsan, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli dowladdu sheegayso inay sugayso amniga caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM