Loolanka awooda Farmaajo iyo Rooble oo yeeshay waji cusub

Image
Taliyaha cusub ee nabadsugida gobolka Banaadir, Muxidiin Mohamed Jimcaale [Warbac].

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolanka dhinaca awooda ee madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u muuqda in uu cirka isku sii shareeray.

Bashiir Goobe, madaxa mukhaabaraadka Soomaaliya ee uu magacaabay Rooble, ayaa Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Banaadir u magacaabay Muxidiin Mohamed Jimcaale [Warbac].

Sida laga soo xigtey wareegtada Bashiir Goobe, Warbac ayaa la faray "in dhammaan agaasinada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inuu "ka guto mid walba waajibaadka kaga aadan".

Warbac wuxuu bedelayaa Yaasiin Farey oo Farmaajo uu horey ugu magacaabay taliyaha sirdoonka qaranka. Illaa hadda, jahwareer ayaa ka taagan cidda saxda ah ee ah agaasimaha hay'ada mukhaabaraadka.

Wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta, Cabdullaahi Macalin Nuur oo la saftey Rooble, ayaa soo dhaweeyay talaabadda Bashiir Goobe wuxuuna ugu baaqay Warbac in uu si hufan ugu shaqeeyo dadweynaha.

"Waxaan soo dhawaynayaa Magacaabista Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Banaadir Mudane Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac) ee uu Magacaabay Agaasimaha KMG ee Hay’ada Nabadasugigga iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana lafararaya in uu shacabka ugu adeego si hufan, waxaana si buuxda ugu xaqiijinayaa guud ahaan hogaanka Hay’ada NISA in uu diyaar u yahay agab kasta oo loo ageegi lahaa bulshada waxaana u rajaynayaa horumar iyo adeeg bulsho oo hufan," ayuu Nuur ku daabacay bartiisa gaarka ah ee ciwaankiisa Facebook-ga.

Hardanka Farmaajo iyo Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u muuqanaya mid u diga-roganaya cawaaqib xumo saameynta ugu badan ku yeelan karta doorashooyinka dadban ee dalka kusoo fool leh.

Warar soo baxaya ayaa intaas ku daraya in Farmaajo uu haatan ku fekerayo in uu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamada ciidamadda qalabka sida, Shuute, taasoo haddii ay dhacdo dab kusii shidi karta is-mari-waaga.

Shuute oo afartii sano ee lasoo dhaafay maamulay kiisas waaweyn oo lagu maxkamadeeyay horjoogeyaal ka tirsan maleyshiyada Al-Shabaab ayaa haatan kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku lugta leh baarista qadiyadan.

Sidoo kale, haddii uu Farmaajo qaado talaabadan waxay noqon kartaa caddeyn kale oo toos oo muujineysa in uu kasoo horjeedo cadaalad u helida Ikraan iyo in uu ugu yaraan wax ka ogaa, sida ay sheegeeen siyaasiyiin.

Ikraan oo ahayd xubin firfircoon oo ka tirsan hay'ada sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay qaabilsaneyd dhanka keydinta xogaha. Markii u dambeysay wuxuu muuqaal CCTV ah muujiyay iyada oo raaceysa raadi ay NISA leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiisyo Iskaashi

Heshiisyada la saxiixay ayaa diiradda saaraya waxbarashada, tamarta…

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 05:21PM

Daahfurka Application-ka Casriga ah ee Quran Tabsera oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay culimo kala duwan oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 04:18PM