Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso

Image

May 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland ayaa maamul cusub usoo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee degmada.

Guddoomiyaha gobolka Bari waxaa loo soo magcaabay Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Ku-xigeenka koowad waxaa losoo magacaabay Axmed Cali Cabdullaahi halka guddoomiye ku-xigeenka labaadna loosoo magacaabay Axmed Xaji Maxamed.

Sidoo kale waxaa duqa cusub ee degmad Bosaso loo soo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmadna loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke).

Golaha deegaanka ee degmada Bosaso waa la kala direy, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyey in muddo 45 cisho gudahood ah lagu soo dhiso gole deegaan oo cusub.

Mas'uuliyiin kale oo la filayey in lasoo magacaabo ayaa magacaabistooda dib loogu dhigey maalinta berri ah.

Faah faahin dheeri ah iyo macluumaad ku saabsan mas'uuliyiinta lasoo magacaabay dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM