Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo ka jawaabey hadalka Beyle

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Cabdirashiid Jire Qalinle, ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ku saabsan xisaab-celin laga dalbay maamullada.

Wasiir Bayle oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in dowlad goboleedyadda looga baahan yahay inay soo saaraan xisaab xirka dhaqaalihii ay dowlada siisay maamulada si mid kale ay uhelaan.

Qalinle oo arrinkaasi si gaar ah udul istaagay ayaa ku tilmaamay mid ay xukuumadu ka leedahay dano gaar ah, isaga oo afka ku balaariyay inay dooneyso inay ku carqaladeyso shirka Garowe ka socda.

"Qoraalka wasaarada wuxuu kusoo beegmay xili uu socdo shirka maamualda, mid lamid ah waxay soo saartay shirkii Kismaayo, marka waxay dooneysaa inay carqaladeyso shirkaasi," ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyada Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe in aysan siinin maamulada deeqa caalamka laga helo, wuxuuna tibaaxay in maamulkiisa uu kusoo wareejiyo dakhliga kasoo xarooda dekada Kismaayo.

"Inaga [Maamulka Jubbaland] dowlada waan kusoo wareejinaa dakhliga kasoo xarooda dekada Kismayo. Balse, dowlada Muqdisho fadhisa waxaa laga la'yahay tan deeq bixiyaasha ka timaada," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Wasiir Qalinle.

Jawaabta Qalinle ayaa kusoo aadaysaa xilli uu go'an yahay xiriirka dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada, sidoo kalena madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmdug iyo Puntland lagu wado inay war-murtiyeed kasoo saaraan Shirkooda Garoowe. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM