​Maamul goboleedyada oo ka baaqsaday shir ka dhici lahaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaliya- Qaar kamid ah maamullada dalka Somaliya ayaa ka baaqsaday shir la qorshaynayay inuu ka furmo caasumadda dalka ee Muqdisho, kaasoo looga hadli lahaa arrimaha Dastuurka.

Kulankan oo ay garwadeen ka ahayd Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Somaliya,  ayaa la filayay inay ka qayb galaan xubno kasocda wasaaradaha Dastuurka dowlad goboleedyada si looga doodo qaabka dib u eegista loogu samaynayo Dastuurka taasoo dhawaanaha ka socday Xamar.

Balse, wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegaya in kulankaasi uu baaqday kadib markii la waayay dhinacyadii ka qayb gali lahaa kuwaasoo horay loo qorsheeyay inay Sabtida tagaan Caasumadda dalka.

Maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa hakiyay wufuud barri aadi lahaa Muqdisho si ay u xaadiraan shirkaas oo la qorsheeyay inay qabsoomo Axadda soo socota.

Wararka uu Garowe Online ka helayo saraakiil xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland joojisay shakhsiyaad matalayay wasaaradda Dastuurka iyo bulshada rayidka ah kuwaasoo maalinta barri ah u dhoofi lahaa Miqdisho.

Lama oga sababta keentay in la baajiyo shirkan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ee dhinacyadaas isugu yimaadaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in arrintan la xariirto khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya dowladda Muqdishu iyo maamullada Somaliya.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Wasaaradda Dastuurka oo horay u Iclaamisay in kulankaas la isugu yimaado 08 bishan.

Ka hor inta aysan soo bixin baaqashada wufuudan, Wasiirka Arrimaha Dastuurka dowladda Somaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay maalinta Axada uu furmi doono shirka, kaasoo socon doona labo maalmood.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxda maamullada ay kusii jeedaan Kismayo si ay uga qayb galaan gogosha uu dhigay Axmed Madoobe inkastoo uu shaki ku jiro ka qayb galka dowladda Federaalka oo horay ugu baaqday in dib loo dhigo.

Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir guddoominayay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha dib u eegista Dastuurka, ayaa soo jeediyay in muddo 10 malamood ah lagu soo gudbiyo qorshe howleedka Dastuuka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM