Maamul Goboleedyada oo war-murtiyeed kasoo saarey Go'aankii Aqalka Sare

Image

DHUUSAMAREEB - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta oo Arbaco ah, 28-ka November soo saarey War-muryiteed ay kusoo dhaweeyeen go'aankii shalay kasoo baxay Aqalka Sare ee xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

War-murtiyeedka oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa lagu sheegay in Gollaha uu diyar u yahay inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan.

Guddiga Aqalka Sare u xil-saarey dhex-dhexaadinta labada dhinac ayaa shalay shaaciyay warbixin xambaarsan cabashooyin ay kasoo aruuriyeen maamul goboleedyada, kuwaasoo loogu baaqay Xukuumadda inay dhaqso u fuliso xalintooda.

Wax kaloo Guddigu uu daboolka ka qaadey in Khilaafkii jiray intiisa badan xal lga gaarey, inta dhimanna ay u istaagan yihiin inay dhameystiraan, illaa laga soo celiyo wadashaqeyntii dowladda dhexe iyo maamullada. [Halkan ka akhri Warka].

WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM