Maamul Goboleedyada oo war-murtiyeed kasoo saarey Go'aankii Aqalka Sare

Image

DHUUSAMAREEB - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta oo Arbaco ah, 28-ka November soo saarey War-muryiteed ay kusoo dhaweeyeen go'aankii shalay kasoo baxay Aqalka Sare ee xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

War-murtiyeedka oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa lagu sheegay in Gollaha uu diyar u yahay inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan.

Guddiga Aqalka Sare u xil-saarey dhex-dhexaadinta labada dhinac ayaa shalay shaaciyay warbixin xambaarsan cabashooyin ay kasoo aruuriyeen maamul goboleedyada, kuwaasoo loogu baaqay Xukuumadda inay dhaqso u fuliso xalintooda.

Wax kaloo Guddigu uu daboolka ka qaadey in Khilaafkii jiray intiisa badan xal lga gaarey, inta dhimanna ay u istaagan yihiin inay dhameystiraan, illaa laga soo celiyo wadashaqeyntii dowladda dhexe iyo maamullada. [Halkan ka akhri Warka].

WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM