Maamulada oo dhaqan-geliyey go'aankii xiriirka loogu jaray Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha maamul goboleedyadda dalka, oo dhowaan uu shir ugu soo idlaaday magaalada Kismaayo, kaasi oo ay ku iclaamiyeen inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda, ayaa soo saarey go'aan cusub.

Qaar kamid ah dowlad goboleeda ayaa shaaciyay inay dhaqan-geliyaan qodobadii Shirkii Kismaayo, kuwaasoo uu kamid yahay inay joojiyaan xiriirka Villa Somalia, illaa ay ka saxayso qaladaadka jira, kana hirgelinayso heshiiyadii lagu gaarey shirarkii hore.

Maamul goboleedyadda Jubbaland, Puntland iyo Jubbaland ayaa siyaabo gooni-gooni ah u iclaamiyey inay si gaar ah ay hakiyeen wadashaqayntii kala dhaxaysay dowladda, inkastoo Galmudug iyo HirShabeelle aanan kasoo bixin qoraal rasmi ah.

Talaabani ayaa sii kala fogeynaysa xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah, oo cabasho xoog leh ka muujiyay hab-dhaqanka Villa Somalia, mana jiro dadaalo muuqda oo dib loogu soo celinayo.

Madaxda Galmudug iyo HirShabeelle oo markii ay ku laabtaan degaanadooda la hadlay warbaahinta ayaa si cad daboolka uga qaaday inay ayidsan yihiin qodobadda shirka Kismaayo, iyaga dowladda ku eedeeyay inay cadaadis xoogan soo saartay.

Kadib Shirka Kismaayo, Madaxwayne Farmaajo, ayaa isugu yeeray hogaanka maamuladda, si ay uga soo qayb-galeen kulanka Gollaha Amniga Qaran, kaasoo la qaban doono 17-ka illaa 18-ka bishan. [Halkan ka akhri warka]

Marka laga soo tago Jubbaland oo shuruud ku xirtay ka qaybgalka Shirka, ma jiro dowlad goboleed kale oo ka jawaabay warka kasoo baxay Xafiiska Farmaajo, taasoo shaki gelinaysa hadii hogaamiyaasha kale ay adeecsan yihiin baaqa Madaxwaynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM