Maamulada Somalia oo lagu heshiisiinayo magaalada Kismayo

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxda dalka Somalia oo ay ku weheliyaan madaxda caalamka ayaa shir looga wadda hadlayo xalaada dalka, waxaa uu uga bilaamayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Kulankaan dhexmaraya dhinacyada Somalia iyo beesha caalamka ayaa fikirkiisa yimid kadib markii ay ka qayb galeen caleema saarka madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan "Madoobe" oo ka dhacday Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Magaalada Kismayo oo dhamaan xaley inta badan wufuudii ka qayb gashey caleema saarka u hoydeen ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Somalia, Ra'isal wasaaraha dowlada federalka, madaxda dowlada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Dhinac kale waxaa ku sugan Kismayo wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus, sarakiil ka socota urur goboleedka IGAD, Kenya iyo wadamada kale ee tageera dib u dhiska Somalia.

Kulankaan ayaa la damacsan yahay in lagu heshiisiiyo maamulada Puntland iyo Galmudug halka wadahadal laga dhexaburayo  Jubbaland iyo Koonfur galbeed ooo khilaaf ka dhexeeyo.

Beesha caalamka ayaa aaminsan in kulankaan yahay fursad looga wadahadli karo waxa laga yeelayo doorashooyinka 2016 islamarkaana la dhameeyo khilaafyada ujeeda badanta ah ee u dhexeeya siyaasiyiinta horboodaya waqtigaan maamulada Somalia ka jira iyo dowlada Federaalka.

Hadal haynta ugu badan magaalada Kismayo iyo Puntland ayaa ah wadahadalka la filayo in laga dhex bilaabo mdaxweyne Gaas iyo Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Dowlada Puntland ayaa xukuumadeeda iyo barlamankeeda waxay horey go'aan ugu gareen ineysan aqoonsan maamulka Galmudug oo ay shegeen inuu Dastuurkiisa ku darsadey degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Warsidaha Garowe Online ka filo warbixinaha kulankaan uga bilaabanaya maamulada Somalia iyo dowlada Federalaka magaalada Kismayo

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM