Maamulada Soomaaliya maxay kaga jawabeen casumaadii MD Farmaajo?

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaasha maamulada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey casumaad Madaxweyne Farmaajo u fidyey in 28 Oct, 2017 isugu yimadaan kulan lagaga hadlayo khilaaf-yada jira kaasoo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxda maamulada Soomaaliya oo 23 Oct, 2017 magaalada Jowhar kaga qayb galey caleemo-saarkii Madaxweynaha HirShabeele ayaa kulan gaar ah ay qateen kaga wada hadlay casumaada madaxweyne Farmaajo iyo go'aanka ay ka qaadan lahaayeen.

Kulankaas kadib ayey waxay u wakiisheen in saxaafada uu u sheego Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ah Gudoomiyaha golaha maamulada Soomaaliya. Golahaan ayaa madaxda maamulada ku dhisteen kulan bishaan horaanteedii ku qaateen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley ku soo dhoweeyey magaalada Garowe Guddoonka labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya iyo xildhibano weheliya ayaa mar uu la hadlayey saxaafada u sheegey in kulan magaalada Jowhar ku qaateen madaxda maamuladu go'aansadeen iney aqbalaan casumaada Madaxweyne Farmaajo 28 oct,2017 kana qayb galaan wadaxajoodka ka dhacaya Muqdisho.

" Anigoo ku hadlaya magaca madasha dowlad goboleedyada, madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa noo soo direy casuumad, marka odayaasha waxay iga codsadeen anigoo ku hadlaya magacooda inaan sheego in aan aqbaley kana qayb galeyno shirkaas isaga ah." ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo la hadlayey saxaafada gudaha Puntland.

Aqbalaada kulankaan ayaa timid xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka gaarey heerkii ugu sareeyey kaasoo sababey in dowladaha qaybta ka ah nidaamka Federaalka qaadacaan dhamaan shirarkii ay la qaadanayeen hay'adaha dowlada dhexe.

Madaxda maamulada Soomaaliya ayaa magalada Kismaayo kasoo saarey warmurtiyeed ay dowlada Federaalka ah kaga dalbanayaan in wadahadal laga galo arimaha la xiriira shuruucda dalka sida sharciga qaybsiga khayraadka, deeqaha la siiyo Soomaaliya iyo arimo kale ee la xiriira siyaasada arimaha dibada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM