Maamulada Soomaaliya oo Digniin Culus u Direy Dowlada Federaalka [Warmutiyeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warmutiyeed ku taariikhaysan 21 Oct, 2017 oo ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ayey kaga hadleen xaalada dalka ka taagan gaar ahaan qaraxii kooxaha argagixisada ka gaysteen magaalada Muqdisho kaasoo ay tacsi ugu direen eheladii dadkii ku geeryoodey dhacdadaas iyo kuwa ku dhaawacmey.

Qoraalkaan oo warsidaha Garowe online ka xaqiijiyey jiritaankiisa saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa dowlada Federaalka ku eedeeyey in dhacadadii Zoobe u leexisay arimo siyaasdeed halka laga shaqeyn laheyd amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Maamulada ayaa sidoo kale ka hadlay faragalinta dowlada dhexe ku hayso arimaha gudaha maamulada iyagoo sheegey in lacagihii misaaniyada dhexe ay ku kabi jirtey qaar ka tirsan maamulada u wareejisay arimo siyaasdeed iyo in ay xilalka kaga qaado qaar ka tirsan madaxda dowlada goboleedyada.

Dowlada goboleedyada ayaa qoraalkaan uga digey in dowlada Federaalka mas'uul ka tahay cawaaqib xumada ka dhalata qorshaha isbadalka siyaasadeed ay rabto iney ku sameyso madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Hadalka maamulada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uu maanta baaqdey kulan Madaxweynaha Soomaaliya la qaadan lahaa labada Gole ee Barlamanada Federaalka kadib markii talooyin ka yimaadeen gudoonka labada aqal kaasoo ah in buuq Xildhibanada ah kala kulmayo kulankaas.

Maamulada Soomaaliya ayaa Golahaan kaga dhawaaqey magaalada Kismayo kadib markii kulankii ay isugu yimaadeen warmutiyeed ay kasoo saareen ku joojiyeen dhamaan howlihii wada shaqeynta ay la lahayeen dowlada dhexe.

Halkaan ka akhri Warmutiyeedka maamulada Soomaaliya

 

 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM