Maamulada Soomaaliya oo Joojiyey Dib Eegista Dastuurka Federaalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya- Kulan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada uga socdey labadii maalmood ee lasoo dhaafey  magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxay go'aamo 16 qodob ah oo ka hadlayey arimaha Dastuurka, amniga, iskaashiga maamulada iyo dowlada Federaalka ah iyo mowqifkooda ku aadan siyaasada dibada kuwasoo dhamaantood meel adag dhigey qaabka wadashaqeyneed ee dhinacyada dowlada Soomaaliyeed ka kooban tahay.

Go'aan ugu muhiimsa ee kasoo baxay kulankaas ayaa waxaa u ahaa mid lagu hakiyey dhamaan howlaha la xiriira xeer dajinta iyo dib u eegista Dastuurka ay ha'daha maamul goboleeyada la wadaagaan dowlada dhexe ee Soomaaliya si fursad loo siiyo in go'aan kama dambeys ah ee siyaasadeed laga gaaro sida loo wadaagayo khayraadka & awooda howlfulineed ee dalka.

" Kadib markii goluhu qiimeeyey qorshayaasha dowlada dhexe ee ku aadan arimaha Federaaleyta, Dib eegista Dastuurka iyo meel marinta xeerarka oo dhamaantood sida loo wado ay kasoo horjeedo hanaanka Federaalka, Goluhi wuxuu go'aamiyey in si ku meel gaar ah loo hakiyo dhamaan howlaha la xiriira xeerarka iyo dib eegista Dastuurka ee hay'adaha dowlad goboleedyadu la wadaagaan hay'daha dowladda dhexe si fursad loo siiyo in go'aan siyasadeed oo kama dambeys ah laga gaaro sida loo wadaagayo khayraadka iyo awoodaha howl fulineed ee dalka islamrkaana Goluhu wixii soo jeedinayaa in dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadu wadahadal dhab ah ka yeeshaan ka gun gaarista arimahaan".

Maamul goboleedyada Soomaliya ayaa go'aankaan ay soo saareen ku beegmey maalmo kadib markii ay qaadaceen iney ka qayb galaan kulan Wasaarada Dastuurka Federaalka ugu yeertey in lagaga hadlayo barnaamijka dib eegista Dastuurka Federaalka iyadoo lagu eedeyey wadatashi la'aan in wadadii loogu talagaley howl ka qabashada barnamijkaan laga leexiyey.

Dowlada Federaalka ayaa dhowaan golaheeda wasiirada waxay ansaxiyeen xeerarka ( Shuruucda Isgaarsiinta & Shidaalka) kuwasoo maamul goboleedyadu ka muujiyeen diidmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM