​Maamulayaal goobo waxbarasho oo lagu xiray Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Ciidamada ammaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xabsiga dhigay Maamulayaasha dhowr iskuul oo ku  yaalla xarunta maamulka HirShabeelle.

Xubnaha la xiray oo ilaa hadda aan la shaacin Magacyadooda iyo Iskuulada ay horjoogayaasha u yihiin ayaa lagu eedeeyay inay booqdeen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.

Gamboole, waxaa gacan ku haysa kooxda Al Shabaab, kuwaasoo dhawaan soo saaray amar ku aadan in dadweynuhu aysan gayn carruurtooda Iskuulada dowladda iyagoo ku dhaliilay inay barayaan dhallaanka dhaqanka reer Galbeed.

Balse, dowladda oo arrintaas ka hadlaysay waxay sheegtay in laga fogaado Afkaarta Shabaab, maadama ay carruurta ku hagayaan Fikirka Xagjiriinta iyo Askaraynta Carruurta.

Maamulayaashan oo lagu qabtay Kantaroolka xilli saaka ay soo galayeen magaalada, ayaa lagu haystaa sababta ay u booqdeen deegaanka, waxaana lagu eedeeyay inay qaateen afkaarta Al Shabaab.

Inkastoo aysan ilaa hadda wax war ah kasoo bixin maamulka gobolka iyo ka degmada, hadana waxaa raggan lagu hayaa xabsiga dhexe halkaasoo lagu weydiinayo su'aalo la xariira booqashadooda deegaankaas iyo inay la kulmeen xubno katirsan Al Shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli gobolka Shabeellaha dhexe qaybo kamid ah gacanta ku hayso kooxdan oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada taageera ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM