Maamulka Ceelhuur oo beeniyay in ciidada Itoobiya ka baxayaan degmadaas

Image

CEELBUUR, Somalia- Gudoomiyaha maamulka Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed, ayaa beeniyay Wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ka baxayaan degmadaasi iyo Goobo kale.

Cabdi Xasan oo la hadlay GO, ayaa sheegay inuu jiro dhaq-dhaqaaq ay wadaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmadaasi, balse dhaq dhaqaaqa uu yahay mid ku saleysan isbedel ciidamada lagu sameyn rabo.

"Waxba kama jiraan wararka ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Ceelbuur iyo degmooyin kale oo Galgaduud ku yaallo, ciidanka Isbedel oo kaliya ayay sameynayaan," Ayuu yiri Gudoomiye Cabdi.

Guddoomiyaha Ceelhuur, ayaa sidoo kale tilmaamay in amniga Degmadaas uu ku tiirsan yahay ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Somalia, sidaasi awgeedna aysan suurtagal aheyn inay xilligan isaga baxaan.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in degmada hadii ay ka baxaan ciidanka Itoobiya ay gacanta u gali karto Al shabaab, maadaama aysan jirin ciidamo xoog leh oo kuwa dowladda katirsan oo hanan karo mas'uuluyada amnigeeda.

Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku hayay Ceelbuur mudo saddex sano ah, waxaana ay dhowrkii biloodba mar ay sameeyaan Isbedel dhanka ciidanka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM