Maamulka Farmaajo oo ku guda jira rafashadii ugu dambeysay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa wuxuu dhex-dabaalanayaa rafashadii ugu dambeysay xilli uu kusii kordhayo cadaadiska gudaha dalka iyo dibadda.

Farmaajo oo wajahaya eedo doorasho diidnimo iyo hanjabaadyo cunaqabateyn caalami ah ayaa la filayaa in uu caawa kasoo muuqdo Facebook Live uu ugu marti yahay mid kamid ah dadka ka taageera baraha bulshada.

Sida ay muujinayaan wararka, Farmaajo oo mucaaradka ku sifeeyay "diktaatoor iyo hogaamiyo kooxeed" ayaa la filayaa in uu ka hadlo culeyska taliskiisa uga imaanaya Beesha Caalamka iyo dhaqaalaha laga jartay.

Wasiirka maaliyada xukuumadda xilgaarsiinta, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo xalay kasoo muuqdey Facebook Live, ayaa xaqiijiyey in kaalmada dhaqaale ee aduunka aysan dowladiisu helin tan iyo Maarso, 2020-dii.

Bayle oo si cad u sheegay in lacagta la'aanta soo wajahdey dowladiisu ay mareyso heerkii ugu sareysay ayaa dadweynaha waydiistey in ay dhaqaale ugu deeqaan dowladda isagoo la wadaagay in ay fureen laba akoon.

Laba illo wareed ayaa u sheegay GO in hadalka Bayle uu horudhac u ahaa dhawaq kale oo kasoo yeeri doona maamulka Farmaajo kaasoo uu ku caddeynayo in ay taageero dhaqaale uga baahan yihiin dadka.

"Waxaa la is-waydiinaa hadii dunidii ay dhaqaale ku aamni wayday sababo ku aadan in aysan diyaar u ahayn qabashada doorashooyinka, sidee dadka Soomaaliyeed lacag u siinayaan hogaan kursika isku dhejinaya diyaarna u ahayn in uu dalka ka saaro heer-kulka siyaasadeed ee kacsan; ganacsatadana loogu baaqayo in ay joojiyaan canshuur ay siiyaan dowladda waqtigeedu uu dhamaadey," ayuu Garowe Online u sheegay qof ku dhow Midowga Musharaxiinta.

Qalalaasaha doorasho, walaaca amni iyo midka siyaasadeed waxaa wehliya kala qeybsanaan ka dhex-jirta ciidamadda kuwaasoo la sheegay in qeybtood ay muddo kororsiga Farmaajo sameysatay awadeed uga soo baxeen furimaha.

"Ciidamadaas oo xalay soo faarujiyey furimaha dagaalka waxay soo gaareen waqoyga magaalada caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan aaga ay dageen madaxweyneyaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Hogaankooda wuu hadli doonaa. Qorshahooduna waa in ay isku sii balaariyaan qeybaha kale ee waqoyga magaalada," ayuu ku daray.

Dhaqdhaqaaq ciidan ee iska soo horjeeda ee magaala madaxda wajaheyso ayaa sare waxay u qaadeysaa cabsida laga qabo in uu dhaco isku-dhac ciidan oo dhexmara dhinacyada haatan ku kala aragti duwan siyaasada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM