Maamulka Gedo oo ka warbixiyay Diyaarad ku dhacday Garabahaarey

Image

GARBAHAREY, Somalia- Maamulka gobolka Gedo ayaa fahfaahin ka bixiyay Diyaaradii maanta ku dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey, taasi oo u rarneyd Hay’adda WFP.

Cismaan Nuux Xaaji, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Gedo ayaa sheegay in Diyaarada ay soo wajahday Cilad farsamo, kadib ay garabka ku dhufatay dhowr Guri oo ka dhaw Garoonka, kahor inta aysan dhicin.

“Diyaarad weyn oo ciladaysan ayaa maanta kusoo dhacday Garoonka degmada. Diyaarada waxay ahayd mid ciladaysan, oo soo dagi waysay, waxayna garabka kusoo dhufatay dhor darbi, kadibna dab ayaa ka qabsaday,” Ayuu yiri Cismaan.

Wuxuu sheegay in Diyaarada ay u rarnayd Hay’dda WFP, waxanya cunto gargaar ah iyo waxtaabaha lagu nafaqeeyo caruurta u siday Dadka Barakaciyaasha magaalada Garbahaarey iyo Deegaanada ku dhaw.

Waxay Diyaarada ka timid dhanka Degmada Doolow, oo ay Sahayda Gargaarka kasoo qaadey, waxaana ay Saraakiisha sheegeen in la badbadiyay dhamaan shaqaalihii saarnaa, inkastoo Duuliyaha uu dhaawacmay.

Saraakiisha Garbahaarey waxay sheegeen in la demiyay dabkii ka kacay Diyaaradda, Islamarkaana Duulimaadka Garoonka uu caadi kusoo laabtey.

Waxay ahayd Todobaadkii lasoo dhaafay markii ay Diyaarada ay leedahay Shirkada dhanka amaanka ee Bancroft ay ku dhacday Garoonka Muqdishu, kadib markii ay u bixi waayeen Lugaha xilliga dagitaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM