​Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay banaanbaxyada siyaasadeed

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan maanta ka qabsoomay magaalada Muqdishu, ayaa looga hadlay qaabka laga yeelayo bannaanbaxyada ku qotoma siyaasadda ee ay iclaamiyeen qaar kamid ah axsaabta isbadal doonka ah ee fadhigoodu yahay caasumadda Somalia.

Shirka oo soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir, ayaa la isugu yeeray dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka, iyadoo lagu wargaliyay inaan la aqbali doonin isu soo bax aysan raali ka ahayn.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan u dul qaadan doonin banaanbaxyada siyaasadda ku salaysan ee la doonayo in lagu qabto Muqdishu, wuxuuse ku baaqay inay dhawaan qaban doonaan mid kale oo ku salaysan sheegashada biyaha Somalia ee Kenya.

Dibad-baxaas oo uusan caddayn waqtiga uu qabsoomayo, ayuu xusay in lagu ayidayo mowqifka dowladda Somalia ka taagantahay in lagu murmo biyo ay xaq u leeyihiin sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tallaabada Kenya waddo ku tilmaamay dhul boob.

Maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir, ayaa isku raacay sidoo kale in la adkeeyo amniga islamarkaana la iska kaashado qaabka looga hortagi lahaa waxyaabaha carqaladayn kara, maadama lagu jiro xilli dalku isu diyaarinayo doorasho.

Arrintan ayaa lagusoo beegay xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta u baratamaya hogaanka dalka Somalia ku baaqeen baanaanbaxyo silmi ah kuwaasoo looga soo horjeeda muddo kororsiga iyo sii joogista Xasan Sheekh ee aqalka looga taliye waddanka.

Amarkan ayaa xogtu sheegaysa inuu kasoo baxday Villa Somalia gaar ahaan madaxda waqtigu ka dhammaaday, kuwaasoo raad tiraya wax kasta oo cadaadis ku saari kara inay xafiiska banneeyaan.

Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ayaa waqtigu kaga ekaa 10 September, waxaana dastuurka dalku dhigayaa inuu shaqada sii hayo inta dowlad rasmi ah laga helayo Afhayeenka Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM