​Maamulka gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Farole

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole, ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia halkaasoo tagay sabtidii lasoo dhaafay.

Munaasabaddaas waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Barlamanka Somalia.

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa khudbad ka  jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa caasumadda Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay murashaxnimada Madaxweynihii hore Puntland, isagoo intaas ku daray in dalka Somalia marxalad adag ku jiro oo u baahanyahay hogaamiye ka saari kara.

Murashax Cabdiraxmaan Farole, ayaa tilmaamay in dalka Somaliyeed arrimo badan usoo qabtay islamarkaana hadda diyaar u yahay inuu kusoo dabaalo xasilooni iyo dib u hishiisiin, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu noqon doonto mid salaysan cadaaladda iyo waxqabad.

‘’Haddii aan labadii aqal dhisnay, federaalkii hergalinay, maanta aan qarka u taagannahay in aan dhisno dowlad Soomaaliyeed, waa in dowladaasi noqotaa mid dib u hishiisiineed, ma rabno magacayadan hada la sheegsheegayo ee afarta ah, waa in asxaabtii shaqeeyaan oo  xisbiyo looga gudbaa nidaamka qabiilka,’’Aayuu yiri Farole.

Kulankaas murashaxn Farole waxaa ku weheliyay Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana uu kusoo aadayaa xilli 08 February lagu wado inay dhacdo doorasha Madaxweynaha Somalia kaasoo ay doonayaan murashaxiin badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM