Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay dagaalka Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellah Dhexe, wuxuu uga hadlay dagaal beeleed ka socday magaalada Baladweyne.

Cali Guudlaawe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka kasocda xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna labada dhinac uga baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada shacabka iyo isu soo dhaweynta beelaha walaalaha ah.

Isagoo sii hadlaya mudane Guudlaawe, wuxuu sheegay in dagaalkaas dhexmarayo dad walaalo ah islamarkaana ka dhaxeeyo dano kala duwan, sidaas awgeed loo baahanyahay in la damiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wuxuu dhinacyadaas ugu baaqay inay ka qayb qaataan ilaalinta nabad-galyada, dariswanaaga iyo soo afmeerida colaadaas.

Dagaalka Baladweyne ayaa yimid kadib markii shalay meel 30KM u jirta xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay Afar qof oo biri-magaydo ah kuwaasoo kala ahaa labo Carruur ah iyo hooyooyinkii dhalay.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagalka oo bilowday saaka galinkii hore.

Maaha markii ugu horaysay dagaal noocaan ah uu ka dhaco Hiiraan, balse waxaa sidaan oo kale marar kala duwan hub isugu qaatay Beelo Ood-wadag ah oo ku sugan magaalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM