Maamulka Jaamacadda Kismayo oo ciidamo ka cabanaya [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)-Maamulka Jaamacadda Kismayo ayaa ka cabanaya ciidamo ku sugan gudaha jaamacadda oo isugu jira kuwa socda AMISOM, dowladda Somalia iyo Jubbaland kuwaasi oo ka hawl gala magalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Sida uu sheegay maamulka Jaamacadda waxa ciriiri noqday adeegyadii looga baahnaa jaamacadda ka dib markii ciidamada midowga Africa, Jubbaland iyo ciidamada SNA ay xarumo ka dhex sameysteen gudaha  Jaamacadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Kismayo Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Xikam ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in loo baahan yahay Jawaab deg deg ah oo laga helo saraakiisha AMISOM, IGAD, DFS iyo dadka sida gaarka ah u khusayso xaalada Jaamacadda oo sadexdii sano hooy u ahayd ciidamada huwanta ah.

Cabdiqaadir ayaa rajo xumo ka muujiyay goobta ay haatan Jaamacadu wax ku dhigto, wuxuuna sheegay inay ku taallo suuqa gudihiisa taasi oo ay dhib kala kulmaan ardaydu xilliga xiisaddu socoto.

Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan tababar waxay u soo xireen cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka oo balan qaaday inay soo fara gashan doonaan xaaladda Jaamacada, iyadoona wax hadal ah laga hayna labada masuul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM