Maamulka Jaamacadda Kismayo oo ciidamo ka cabanaya [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)-Maamulka Jaamacadda Kismayo ayaa ka cabanaya ciidamo ku sugan gudaha jaamacadda oo isugu jira kuwa socda AMISOM, dowladda Somalia iyo Jubbaland kuwaasi oo ka hawl gala magalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Sida uu sheegay maamulka Jaamacadda waxa ciriiri noqday adeegyadii looga baahnaa jaamacadda ka dib markii ciidamada midowga Africa, Jubbaland iyo ciidamada SNA ay xarumo ka dhex sameysteen gudaha  Jaamacadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Kismayo Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Xikam ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in loo baahan yahay Jawaab deg deg ah oo laga helo saraakiisha AMISOM, IGAD, DFS iyo dadka sida gaarka ah u khusayso xaalada Jaamacadda oo sadexdii sano hooy u ahayd ciidamada huwanta ah.

Cabdiqaadir ayaa rajo xumo ka muujiyay goobta ay haatan Jaamacadu wax ku dhigto, wuxuuna sheegay inay ku taallo suuqa gudihiisa taasi oo ay dhib kala kulmaan ardaydu xilliga xiisaddu socoto.

Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan tababar waxay u soo xireen cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka oo balan qaaday inay soo fara gashan doonaan xaaladda Jaamacada, iyadoona wax hadal ah laga hayna labada masuul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM