​Maamulka Koonfur Galbeed oo soo dhaweeyay Liiska laga Saaray Mukhtaar Roobow

Image

BAYDHABO, Somalia- Maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Somalia, ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qoraal  kasoo baxay dowladda Maraykanka oo liiska Argagixisada looga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Mansoor oo kamid ahaa hogaamiyaasha kooxda Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in maamulka Madaxweyne Trump uu Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ka saarey Liiska Argagaxisada isagoo sidoo kale ka dul qaaday lacag dhan Shan Milyan oo dul saarnayd madaxiisa.

Ninkan oo mar soo noqday ku-xigeenkii Axmed Godane hogaamiyihii hore Kooxda Al Shabaab ayaa muddo ku sugnaa gobolka Bakool isagoo ay wardiyeeyaan mallayshiyaad katirsan beeshiisa.

Inkastoo aan war rasmi ah laga hayn sababta keentay in laga qaado Xayiraada hadan maamulka Koonfur Galbeed ayaa u arka tallaabo wanaagsan, maadama sida ay sheegeen ninkan uu kasoo jeedo deegaanadooda islamarkaana horay usii daayay mas’uuliyiin katirsanaa dowladda waqtigii ay la wareegeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay VOA, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada ay qaatay xukuumadda Washington, inkastoo uusan bixin faah faahin intaas ka baxsan hadana mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in arrintan tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

“Waa soo dhoweynayaa xayiraada laga qaaday Abuu Mansuur oo ahaa nin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, anaga waxba kalama socono qaabka Mareykanka xayiraada ugu qaaday,”Ayuu yiri Wasiir Ugaas Xasan.

Dhinaca kale warar soo baxaya oo aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in hogaamiyahan iyo dowladda Somalia ay u socdaan wada-hadalo ku aadan inuu isa soo dhiibo, taasoo la rumaysanyahay inay qayb ka tahay tallaabada looga saaray Liiska ragga aadka loo baadi goobo.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Somalia oo ku aadan sida ay u arkaan tallaabada dowladda Maraykanku ka qaadatay Mukhtaar Roobow.

Sannadkii 2012 ayay ahayd markii ninkan lagu daray Liiska Argagixisada, xilli kooxda Al Shabaab gacanta ku haysay deegaano badan oo kamid ah dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM