Maareeyihii Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Somalia oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Maareeyaha guud ee hay’adda Saadaasha iyo duulista hawada Somalia, Cabdiwaaxid Sheekh Cumar.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub, waxaana booskaa loo dhiibay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Shabeellaha dhexe, Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Yusuf Jaalle ayaa sidoo kale soo ahaa mudadii lagu jiray doorashadii dhacday Febraayo sannadka 2017 Madaxa olalaha ee Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay isbada lagu doonayo in lagu sameeyo hay’adda Saadaasha hawada oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan dalka.

Madaxweynaha Somalia ayaa muddooyinkii dambe waday tallaabooyin uu isbadal ku samaynayo madaxda hay’adaha qaybtood.

Ninkan ayaa dadka sida aadka ah u yaqaana waxay sheegayaan inuu yahay ruux shaqadiisu dhowrsantahay, kaasoo iminka looga fadhiyo inuu kor u qaado howsha hay’addan oo lagu tiro mid fadhiid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM