Macalinkii dugsiga Qur'aanka ee tuugnimada loo xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdifataax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan oo 30-kii June booliska Muqdisho u soo qabteen burcadnimo iyo furashada telefoonada ayaa maxkamada ciidamada Soomaaliya, sidday u kala horeeyaan, waxay Talaadada maanta ah ugu kala xukuntey min 10-sano iyo 2 sano oo xabsi ah.

Cabdifataax oo sidoo kale wajahay eedeymo Shabaabnimo wuxuu ahaa maskaxda shabakadan, halkan Nuur la wariyey in uu u ahaa caawi u iib-geeya agabka uu soo dhaco.

Xukusanaha koowaad ayaa xeer-beegtada u sheegay in uu macalin ka ahaa Malcamad lagu barto Qur’aanka Kariimka oo ku taala degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Filimkii bedelay macalinimadiisa

Intii maxkamadeyntiisu socotay, Cabdifitaax ayaa u sheegay garsooreyaasha in filim Hindi oo uu daawaday uu gabi ahaanba bedelay maankiisa isla markaana uu horseeday in uu u bareero dhaca dadweynaha si gaar ah haweenka.

"Filimka wuxuu ku saabsan yahay saddex atoore oo aan hubeysneyn [balse wax ka qaadanaya dowladda iyo dadka]. Hadaad rabto magacyadaa sheegaa; Saif Ali Khan, Uuse Buuke, kan kale ma aqaano," ayuu ka dhawaajiyey.

Inkasta oo sheegashadiisa aan si madax-banaan loo xaqiijin Karin, haddana ugu yaraan waxay tusaale u noqoneysaa sidda Aflaamta ajaaniibta ay khatar ugu tahay dhaqan walba oo wanaagsan kaasoo ay ummaddi leedahay.

Qaabkii uu wax u dhici jiray

In qofka uu waydiisto in uu telefoonkiisa u dhiibo si uu uga wacdo ruux uu si been abuur ah u sheegayo in uu ku sugan yahay guri ka akdhow meesha uu joogo

In uu qof saaxiib ka dhigto kuna balamiyo in ay ku kulmaan mid kamid ah hoteelada Muqdisho halkaasna ku waydiisto in uu telefonkiisa qof ka wacayo ama uu internet-ka ugu soo xirayo inta looga keenayo dalabka ay dhiibteen, dib dambana uusan ugu soo laaban goobta.

In qofka uu ku siro 'waxaad isku eg-tihiin walaashey dibada jirta ee kaalay isku kay cabir dhar aan u iibinayo' kadibna inta ay ku jirto qolka labiska uu kala tagay wixii agab ahaa ee ruuxaas uu kaga tagay banaanka.

Kasoo baxsashadiisa Kenya

Sheegashooyinka kale ee ku jiray qiraalkiisa waxaa kamid ah in 2015-kii uu kasoo cararay Kenya halkaasoo kusoo qaatay waayihiisa inta badan kadib markii uu u dhoofay mudadii u dhaxeysay 2007-dii illaa 2006-dii.

Sida laga soo xigtay hadalkiisa, Cabdifitaax ayaa kasoo baxsadey Kenya kadib markii shaqsi kale "oo aan isku wici jirnay" uu maxkamad uga soo muuqdey isagoo lala xiriirinayo weerarkii Al-Shabaab ku qaadey xarunta Westgate Mall.

"Wuxuu kamid ahaa dadka igu tashkiilin jiray in aan ku biiro Al-Shabaab. Ma aanan ahayn dad isku gamabada. Wuxuu igu dhihi jiray kasoo bax fekerka Icitisaamka, anigana waxaan ku dhihi jiray idinkaa waddo khalsan ku socda," ayuu tibaaxay Cabdifitaax iyo kaaliyihiisa oo haysto fursad rafcaan qaadasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Xarunta Dhexe ee ISIS ee Dooxada Miraale

Taliska ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday in ay dhawaan faahfaahin dheeri ah ka bixin doonaan khasaaraha ka soo gaaray ISIS.

  • Soomaliya

    31-05-2025

  • 11:22AM

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM