Madaafiic ku dhacday agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyeyaal ayaa lagu waramayaa in Arbacada maanta ah ay ku daateen nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, madaafiicda ayaa ku dhacday dhismeyaal ku dhow Dugsiga 15-ka May oo kaabiga ku haya Aqalka dalka looga arimiyo.

"Illaa iyo afar ama saddex hoobiye ayaan maqalnay," ayuu yiri qof kamid ah dadka degan meesha ay wax ka dhaceen oo telefoonka ugu waramay Garowe Online.

Fahfaahinta ayaa waxay intaasi raacineysaa in baraha ay madaafiicda ku dhaceen ay ku jiraan goobo ay degan yihiin dad shacab ah.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta, balse waxaa laga cabsi qabaan in ay geysato waxyeelo naf iyo maalba leh.

Hay’addaha amniga oo si kooban uga fal-celiyay dhacdadan ayaa tilmaamay in ay baaris ku wadan halka laga soo gannay madaafiicda.

Ma jirto sidoo kale koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Isniintii qarax ka dhacay isgoyska KM4 lagu khaarijiyey 17 ruux ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM